Past Engagement
Waaxda Waxbarashada ee Oregon (ODE) iyo Waaxda Waxbarashada Hore yo Daryeelka (DELC) waxay la soo shaqeeyeen bulshooyinka Oregon si loola yimaado siyaabo lagu wanaajinayo taageerada carruurta marka ay bilaabaan dugsiga barbaarinta carruurta ‘kindergarten’. Sanadihii 2022 iyo 2023, waxay tijaabiyeen kulamo loo yaqaan “Wada hadalka Qoyska” si loo buuxiyo hadafkani. Qoysaska iyo barayaasha ayaa u kulma si fool ka foolka ah si looga hadlo sida ay carruurtooda dhigata dugsiga barbaarinta ‘kindergartner’ uga caawin lahaayeen in ay guuleystaan.
ODE iyo ELD waxay rabaan in ay ogaadaan sida ay wareysiyadani qoyska ugu dhigi karaan kuwo si fiican ugu shaqeeya qoysaska iyo dugsiyada. Si taasi oo la sameeyo, waxay la shaqeynayaan Oregon’s Kitchen Table (OKT). OKT waxay martigelisay kulamadani lala leeyahay dadka qaybta ka ahaa wareysiyada qoyska ee ODE ee sanadkii 2022. Waxaan ugu yeernaa kulamadani wada hadalada bulshada “community conversations.” OKT waxay weydiisay iyaga waxyaabaha soo socda ee ku saabsan sida wareysiyada qoyska loogu dhigi lahaa kuwo wanaagsan:
- Waxa waayo-aragnimada dadka ee wareysiyadii qoyska ee 2022 ay ahaayeen
- Fikradaha dadku ka haysteen wareysiyada qoyska ee mustaqbalka
- Sida qoysasku iyo barayaashu u maleynayaan in wareysiyada qoysku ay si fiican ugu shaqeyn karaan sanadaha soo socda
Warbixintani waxay soo koobaysaa waxa OKT ay maqashay markii la joogay kulamada OKT. Wixii ay dadku sheegeen ayaa koox ahaan la iskugu geeyay oo lagu daray fikradaha la midka ah.
2022
ODE iyo DELC waxay rabaan in ay ogaadaan sida ay wareysiyadani qoyska ugu dhigi karaan kuwo si fiican ugu shaqeeya qoysaska iyo dugsiyada. Si taasi oo la sameeyo, waxay la shaqeynayaan Oregon’s Kitchen Table (OKT). OKT waxay martigelisay kulamadani lala leeyahay dadka qaybta ka ahaa wareysiyada qoyska ee ODE ee sanadkii 2022. Waxaan ugu yeernaa kulamadani wada hadalada bulshada “community conversations.” OKT waxay weydiisay iyaga waxyaabaha soo socda ee ku saabsan sida wareysiyada qoyska loogu dhigi lahaa kuwo wanaagsan:
- Waxa waayo-aragnimada dadka ee wareysiyadii qoyska ee 2022 ay ahaayeen
- Fikradaha dadku ka haysteen wareysiyada qoyska ee mustaqbalka
- Sida qoysasku iyo barayaashu u maleynayaan in wareysiyada qoysku ay si fiican ugu shaqeyn karaan sanadaha soo socda
Warbixinta waxaa lala wadaagay guddiga la-talinta mashruuca si ay u eegaan oo ay u bixiyaan jawaab celin. Jadwalka hoose waxa uu bixinayaa soo koobidda talooyinka OKT iyo talooyinka guddiga la-talinta. Iyada oo ku saleysan macluumaadkan, ODE iyo DELC waxay diiradda saari doonaan mudnaanta soo socota ee tijaabada xilliga dayrta 2023:
- Hubinta in wakhti ku haboon lala xidhiidho barayaasha iyo qoysaska.
- Gelinta su’aalaha ku saabsan daryeelka xadaanada carruurta kahor, barnaamijyada, iyo adeegyada qoraal.
- Siinta fursadaha la socodka qoysaska.
2023
Sanadkii 2023, Miiska Jikada ee Oregon ‘Oregon’s Kitchen Table’ (OKT) ayaa qabtay “Isku imaatinka Bulshada” si loo weydiiyo dadka sida ay ka dareemeen Wada hadalkii Qoyska ee ay ka qayb galeen. Warbixintani waxay dadka la wadaagaysaa waxaanu sameynay iyo wixii aan maqalnay.
2024
Gu’ga 2024, ODE iyo DELC waxay la soo shaqeeyeen OKT si dadka loogala hadlo isbeddelada. Hay’aduhu waxay rabeen in ay ogaadaan haddii Wada hadalka Qoyska uu caawin karo ururada caawiya qoysaska leh carruur yar yar. OKT waxay dad ka socda ururada la shaqeeya qoysaska iyo carruurta yar yar ula hadashay siyaabaha kala duwan.
OKT waxay qabatay wareysiyo iyo kulamada dhegaysiga kooxaha si dadka loo weydiiyo kuwa soo socda:
- Sida ay qoysaska hadda uga qayb geliyaan shaqadooda
- Waxa ay la kulmaan marka ay carruurta ka caawiyaan in ay bilaabaan dugsiga
- Sida Wada hadalka Qoyska looga dhigo mid waxtarka ugu badan leh
- Sida ururada bulshada iyo hay’adaha gobolku u wada shaqeyn lahaayeen si ay wax badan uga ogaadaan waayo-aragnimada carruurta iyo qoysaska ka hor inta aysan bilaabin dugsiga barbaarinta carruurta ‘kindergarten’.