Past Engagement

Sanadka 2024, Sharci-dejinta Oregon ayaa ansixisay Sharciga Senate-ka (SB) 1532. Wuxuu Waaxda Waxbarashada ee Oregon (ODE) farayaa in ay dejiyo oo fuliso qorshaha waxbarashada ee gobolka oo dhan. Qorshahan waa mid la kor loogu qaadayo waxbarashada iyo waayo-aragnimada ardayda ah qoxootiga, magangelyo doon ah, ama muhaajiriinta kale.
ODE ayaa iskaashi la yeelatay Miiska Jikada ee Oregon ‘Oregon’s Kitchen Table’ (OKT). Tani waxay ahayd in war laga maqlo bulshooyinka muhaajirka iyo qoxootiga ah ee gobolka oo dhan ee ku saabsan waxa ay jeclaan lahaayeen in ay ka arkaan qorshaha. In ka badan 450 qof ayaa ka qayb qaatay tani. Dadku waxay ku wadaageen lix luqaddood.
Soo koobidani waxaa lagu wadaagayaa wax ku saabsan nidaamka iyo sidoo kale natiijooyinka muhiimka ah.