Past Engagement
July 2022
Sanadkii 2021, Sharci-dejinta Oregon ayaa ansixisay Sharciga Senate-ka 744. Sharcigu wuxuu ahaa in wax laga ogaado sida shuruudaha qalin-jabinta looga dhigo kuwo sinnaan dheeraad ah u leh dhammaan ardayda ku nool Oregon. Wuxuu Waaxda Waxbarashada ee Oregon ku amray (ODE) in ay dib u eegto shuruudaha qalin-jabinta dugsiga sare ee gobolka. Iyada oo qayb ka ah dib u eegistani, ODE ayaa iskaashi la yeelatay Miiska Jikada ee Oregon ‘Oregon’s Kitchen Table’ si loo helo fikrado ka socda dadka ku nool gobolka oo dhan oo ku saabsan mawduucan.
Waxaan fikradahani la dhiibtay helnay dabayaaqadii 2021 ilaa horraantii 2022. Waxaan rabnay in aanu waxyaabo dheeraad ah ka ogaano sida dadku u arkaan in shuruudaha qalin-jabinta dugsiga sare ay si fiican ugu shaqeyn karaan ardayda mustaqbalka. Waxaanu sidoo kale weydiinay sida ay u arkaan in ardaydu u yeelan karaan taageerada ay u baahan yihiin si ay iskugu diyaariyaan guul ay gaaraan dugsiga sare ka dib. Tani waxay ka dhigan tahay guul in iyada oo aan la eegayn waxa uu yahay dariiqa ay ardaydu doorato dugsiga sare ka dib.